bodhari ba cashaqo batalale inu dhiigay been ban u hayste
gaabaygan so socda waxa tiriyey the king of love cilmi bodhari, he was the king of berbera;
waxanu ku asan yajay batalale,,,if u wanna know jaacylka bodhari iyo hodan..la xidhidh miss munti
gaabaygan wuxu cilmi la hadlaya dhaalinti kula yaabanayd jacaylka ,
waa sidan la soco:
haween waa horaa Caadil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen meesha iyo Ciise nebigiiye
Cidla lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe
Waxa caynba cayn looga dhigay hays cajebiyeene
Soomaalidaa caado xune iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayeybaan camal tusaalayne
Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
Curuuqdiyo maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda
Ma cidaamkanaan jebinayaa cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calaalsho lay diidye
Caqliga yaa ka bi’in tuu Ilaah ku circadaayeeyey
Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey
Muga inaan cadaadaabaan ka biqi Canab daraadeede
Cududuhu ma naaxaan haddaan caafimaad jirine
Casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye Cilmi iyo daawoba doontay oo waayay cilinkiiye
Inaan kaa calool go’ay naftay caymisoo ogiye
Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay.
2 Comments »
Leave a comment
-
Recent
-
Links
-
Archives
- November 2007 (22)
-
Categories
-
RSS
Entries RSS
Comments RSS

jeg elsker roser..
Sxbyal hadi gabadh ad mudo jeclayd’nin kaa gursado maxad sameyn lahayd ?Ama xoog loogu daro inan kale? Sxbyal raganimo kuma dheera balse waxa lagugu yasay qabil midganimo Ama dhici karta in lagugu faano lacag
walaashis qalanjo uma malaynayo hada in qabil iyo xoog o guursado ,,, jacayl all the way,,, laakin way dhacda mar mar nasiib xumo qofkad jeceshay ada wayda,, lakin laabada qof haday calaf isku leyhin ciidna ma kala wadi karto.. they have all the power..