Munti’s Weblog

Just another WordPress.com weblog

sad poetry from cilmi

 

Waxba yaanan sii hadaltiyeyn hadalka qaarkiiye
Ihaleel jacaylkii intuu soo hamaansadaye
Heensiyo hubkaa laba dhacuu igu hogaanshaaye
Hayin aan biyaha daadin iyo igadhig hawlmooge
Dhulka meesha Hodaniyo nimcada igu aghaynwaaye
Hogob laga hayaamiyo cidluu ila hadaafaaye
Hiil qodaxle iyo jeerin buu igu hagaajaaye
Waxaan hadimo soo maray waxaan halowyo soo meeray
Hohi cabasho weeyee mar qudha hiiftan maan odhane
Halbawlahaad i heertiyo lafahan hilibku naafoobey
Nabaradan bog hoosiyo wadnahan halac ka oogaaya
Haddii aan ku helileey bogsoon haarta qoomaniye
Waa hubaale hays odhan wax buu kuu hadoodilaye
Waa hadal nin waayeeli yidhi hiila kaa raba e
Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu harraad qabaye
Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu hadfee lumaye
Waa hadal ka soo baxay ninkaa soo hiloow ku lehe
Waa hadal qofkii la hordhigaa oohin hoorsadaye
Waa hadal qofkaan caashaq helin hawlyaraan la’ahe
Waa hadal markaan kugu hamiyey aan higaad qoraye
Waa hadal wax badan baan habraye uurku hayn karine
Waa hadal halkaad igaga taal hoo ogoow ku lehe
Waa hadal hayii kugu lalabay soo halaan-halaye
Caashaqa hareertaada qabo hubiyey kaygiiye
Haad-ka-orod-dheer

November 16, 2007 - Posted by | poetry

No comments yet.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.