Gabaygii (Hogol)from bodhaari
Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye
Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye
Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye
Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene
Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene
Hal abuurka kuumaan tirsheen heesta caashaqa e
Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga
Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye
Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye
Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye
Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye
Markaan keligey haasaawayee aan islahadlaayo
Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey
Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye
Hadaaqay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne
Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale
Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey
hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile
Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye
Imikuu u hees yidhi gabdhaa taan hanteen rabaye
Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye
Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e
Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye
Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane
Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye
Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye
-
Recent
-
Links
-
Archives
- November 2007 (22)
-
Categories
-
RSS
Entries RSS
Comments RSS
jeg elsker roser..